Annons

Halsano oo cudurka caalamka ku fiday ah: Mowlid masii doonayo hadda inuu beer cidla ha dago

Sanad ka hor wuxuu Mowlid Aden oo 63 jir ah rabay inuu dego guri meel cidla ah ku yaala.
”Bilowgi xaalad argagax ah ayaa lagu jirey, ruux walbaa wuu is karantiiley”.
”Welwelkii wali wuu jiraa laakiin si fiican baan uga samata baxnay. Reer kanaga waxba masoo gaadhin”, ayuu yidhi.
Hadda inuu sii degenaadu rabaa gurigii uusoo degey 1993.
Kristianstad • Publicerad 13 juli 2021
Mowli Aden wuxuu la deggen yahay xaaskiisa iyo saddex dooda caruurtooda ah xaafadda Gamlegården. “Sanad ka hor waan rabay inaan meel cidla ah u guuran rabay, haddase inaan iska degenaadan rabaa”
Mowli Aden wuxuu la deggen yahay xaaskiisa iyo saddex dooda caruurtooda ah xaafadda Gamlegården. “Sanad ka hor waan rabay inaan meel cidla ah u guuran rabay, haddase inaan iska degenaadan rabaa”Foto: Tommy Svensson

Aadban u fiicnahay, wax dhibu ma jiro, ayuu yidhi Mowlid Aden markii aan kuraastii, meeshii iyo kala fogaanshihii aan sanadka hor isugu nimid mar labaad ku kulanay. Qoraxdu sidii sanadkii hore oo kaley u iftiimaysaa. Isbedelku waa cudurka oo sidii hore ka yare khafiifsan.

Mowlid Aden wuxuu ka shaqayn jirey Kronefågel markii Stroke ku dhacay 2008. Marba mark akadanbaysa wuu kasoo fiicnaanhayey.

Annons

Sanadka hor aadbad u welwelsanayd, sidee sanadku kuu noqday?

– Weli dadka banaankan ku qaabilnaa, waanan soo adeegtaa. Cadbsidii weli wey jirtaa, laakiin xaaladdu aadbay u wanaagsan tahay hadda. Reerka wax dhib ahu masoo gaadhin. Waan ka taxaderraa dhexgalka dadka, kana durkaa, laakiin isma karantiilo.

Mowlid Aden wuxuu yaqaana dad si daran ugu xanuunsaday Covid-19 ka, kabacdina ka cafimaaday.
Mowlid Aden wuxuu yaqaana dad si daran ugu xanuunsaday Covid-19 ka, kabacdina ka cafimaaday.Foto: Tommy Svensson

Inaad is talaasho ma go aan fudud buu ahaa?

– Go aan fudud buu ahaa. dadka halista ugu jira inay aad ugu xanuunsadaan haddu cudurku kudhaco ayaan ku jiraa anaanna wacdat rugta caafimadka. waxba dhiba ha kalama kulmin aan ka ahayn markii irbadda laygu mudayey.

Maka cabsanaysay inaad talaalka ku xanuunsato?

– Maya.

Sideed u aragtaa inay hay adaha dawladda, bahda caafimaadka iyo inta kale ee Sweden ku nool ay u mareeyeen cudurkan caalamiga ah?

– Waxay ila tahay in cidwalbaa oo hawshan qáyb ku lahaydba sida dawladda IWM ay samaynayaan waxkasta oo adoodooda ah sidii loo xakamayn lahaa cudurkan sida ugu wanaagsan, laakiin marwalba waxaa la jecel yahay inay intaa ka badan la qabtan.

Waxa badan ee ay sii qaban lahaayeenu waa maxay?

– Tusaale ahaan waxaa jira warsuuqa aad ugu jira oo sheegaya in ruuxa kasat oo qaata talaalka uu xanuunsanayo, dhiigu fadhiisanayo. Ma uuliyiinta, hay adaha dawladda iyo saxaafaduba waa inay ka shaqeeyaan sidii loo burin lahaa beenta suuqa ee sida ku talagal ah loo fidinayo dadkuna u heli lahaa war xaqiiqta ku salaysan.

Mowlid Aden nolosha hadda ayuu kaga qanacsan yahay marka la barbar dhigo sanad ka hor. Dhibka ugu weyn ee hadda jira uma arko inuu yahay Coronaha. “Boolisku hawl gallo wanwanaagsan bu ka sameeyey xaafadda, laakiin dhalinyaradu shaqay u baahan yihiin. ABK inay shaqo siisay ahayd dhallin yarada xilliga sammarka ah,” ayuu yidhi.
Mowlid Aden nolosha hadda ayuu kaga qanacsan yahay marka la barbar dhigo sanad ka hor. Dhibka ugu weyn ee hadda jira uma arko inuu yahay Coronaha. “Boolisku hawl gallo wanwanaagsan bu ka sameeyey xaafadda, laakiin dhalinyaradu shaqay u baahan yihiin. ABK inay shaqo siisay ahayd dhallin yarada xilliga sammarka ah,” ayuu yidhi.Foto: Tommy Svensson
Annons

Dadka ma dhexgelidoontaa, masalaamidoonta si dii hore oo kale ma ula kulmi doontaa?

– Meeshan in badan baan degenaa aadbaanan ugu qanacsanahay. Markii cudurku dillaacay waxaan ku fakaray inaan isaga qaxo, haddii ruux ii sheegi lahaa meel cidla ah oo la degi karo waan u guuri lahaa. Hadda markaan istalaalay cudurkiina hoos u socdo, waxaad moodaa n xaaladdu caadi kosoo noqonayso.

– Inkasoo aad moodo inay caado noqotay in gacanta laysu taago marka laysa salaamayo lana kala durko.

Inga-Lill BengtssonSkicka e-post
Så här jobbar Mosaik Kristianstadsbladet med journalistik. Uppgifter som publiceras ska vara korrekta och relevanta. Vi strävar efter förstahandskällor och att vara på plats där det händer. Trovärdighet och opartiskhet är centrala värden för vår nyhetsjournalistik.
Annons
Annons
Annons
Annons