Dhibka Coronaha: Ardaydu waxay u baahan yihiin kaalmo si ay iskoolka uga baasaan
Cudurkanu wuxuu saameeyey mushtamaca oo dhan, gaar ahaan iskoolada. Inta badan ardayda dhigata dugsiyada sare guryahay wax ku baranayeen. Way ku adagtahay ardayda inay si fiican u fahmaan shaqada iskoolku karabo inay soo sameeyaan, ayay la tahay Jamal Abdulle oo ka socda jaaliyadda Skånes horn av Afrika.
”Ardayda luuqaddu ku adagtahay aadbay ugu adagtahay inay guryaha wax ku bartaan”Jamal Abdulle
– Waan aragnaa dhibaatada uu cudurka Corona u gaystay ardayda, saas darteed waa inaan si dhaqso ah uga falcelinaa, ayuu yidhi.
Jaaliyaddu saas awgeed ayey u bilowday mashruuc sidii ardaydaas wax loola qaban lahaa. Waxaa laga kaalmeeyaa madooyinka ad adag sida xisaabta iyo fiisigiska.
– Xaalku aadbuu u fiicnaa intaan cudurka Coronuhu dillaacin. Ardayda luuqaddu ku adagtahay aadbay ugu adagtahay inay guryaha wax ku bartaan, ayuu yidhi Jamal Abdulle.
Mahamud Ali aabaha mid ka mid ah ardayda meesha wax lagu baro.
”Sanado badan kadib tan iyo intaan shaqada ka fadhiistay kanu waa fasalkii iigu horeeyey een wax u dhigo”Ingvar Kroon
– Hadafka jaaliyaddu waa in ardayda lasiiyo kaalmada ay u baahan yihiin. Lana wado inta baahidaasu jirto. Aadbay u adkayd inaan helno macallin xisaabta iyo fiisigiska.
Hadda Ingvar Kroon, 79 jir ah intuusan duqnimada gelinna ka shaqayn jirey dugsiga sare ee Österänggymnasiet ayaan helnay.
– Sanado badan kadib tan iyo intaan shaqada ka fadhiistay kanu waa fasalkii iigu horeeyey een wax u dhigo. Waxaan xoogga saarayaa hadda sida aan jeclahay, ayuu yidhi, wuxuuna deggenyahay Gamlegården. Wuu u dhawyahay lokaalka jaaliyadda, oo ku yaalla Ingelstadsgatan.
Invar Kroon wuxuu qoray buugag badan oo dugsiga sare. Waa khabiir fiisigiska nugleerka, wuxuuna hadda akhriskii sixitaanka dhameeyey buuga xisaabta ee Ergo 5000.
– Waxaan kulmaynaa 2 jeer wiigii muddo afar usbuuc ah oon isla fiirfiirin doona madooyinka ardada ku adkaaday sanad dugsiyeedkii ugu danbeeyey.
– Waxaan kaloo isla eegi doonaa madooyinka ay baran doonaan teeramka soosocda.
Salman Mohamed wuxuu bilaabayaa dugsiga sare qaybta daryeelka iyo caafimaadka (vård- och omsorgsprogrammet).
- Fiisigiska iyo xisaabta in layga caawiyaan u baahnahay, ayuu yidhi.
Ugbad Abdulle waxay bilaabaysaa fasala sadexaad ee dugsiga sare ee Östräng, qaybta sayniska. Waxay tidhi natiijadu way caddahay.
Intabadan ardayda laga saacido wax barashada natiijadooda iyo kalsonaantooduba way wanaagsanaataa.
”Inbadan baan macallinimo ku shaqeeyey. Markii layweydiiyeyna kama labalabaynin”Ingvar Kroon
– Faa’iidada ugu weyn ee ay leedahay inlagaa saacido waxbarashad ama macallin khaas ah laguu qabto waa inaad wax akhrisan karto markaad waqti hayso, ayey tidhi.
– Waxaan rabaa inaan kamid noqdo ardayda ugu wanwanaagsan iskoolka. Casharadanuna aadbay iisaacidi doonaan.
Maxaa adigoo marhore shaqada ka fadhiistay u rabtaa inaad u kaalmayso ardayda?
– Inbadan baan macallinimo ku shaqeeyey. Markii layweydiiyeyna kama labalabaynin. Waxaan rabaa inaan kaalmeeyo ardayda u baahan kaalmo dheeraad ah. Ayuu yidhi Ingvar Kroon.
Sammarka dhamaadkiisii Kb Mosaik waxay ardayda qaar weydiisay siday u dhacday waxbarashdii.
”Kaalmadii Ingvar aadbay u fiicnayd. Waxay ila tahay inaan sidii hore kaga fiicnaaday xisaabta iyo fiisigiska.”Salman Mohamed
Salman Mohamed wuxuu yidhi.
– Kaalmadii Ingvar aadbay u fiicnayd. Waxay ila tahay inaan sidii hore kaga fiicnaaday xisaabta iyo fiisigiska. Hadda waxba uma baahni waxaase laga yaaba mustaqbalka inaan u baahdo.
– Ingvar waa macallin aad u fiican, una sharaxa casharka si fudud oo durba lagu fahmo, ayey tidhi Ugbad Abdulle.
– Aadbay wax barashadaydu sare ugu kacday. Haddase kaalmo uma baahni, ayey tidhi.
Ardayda 2-aadka iyo 3-aadka ee dugsiyada sare usbuucdhaaf ayey waxbarashada guriga ugu dhigandoonaan.
Sideed u aragtaa waxbarashada guriga?
– Inta lagu jiro cudurka Coronaha dabcan waxbarashada gurigu waa sida kaliya ee suurto galka ah. Laakiin annaga ahaan inaan iskoolka tagno oo macalimiinta iyo saaxibadano iskoolka kula kulanaa noo fiican.